Ceelbuur:-Dagaal Xoogan oo khasaaro fara badan uu ka dhashay ayaa waxaa uu dhex maray Xoogagga Al-shabaab iyo koox maleeshiyaad beeleed ah oo lagu soo abaabulay magac dariiqada Suufiyada.
Dagaalkaan ayaa waxaa galabta uu ka qarxay deegaanka Wabxo oo hoos tagta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Gal-gaduud, Dagaalkan ayaa waxaa uu socday saacado badan ,Xoogagga Al-shabaab ayaa iska caabiyey maleeshiyaad rabay in ay la wareegaan fariisamahooda.
Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii sirdoonka Al-shabaab ay ka war heleen col ku soo wajahan kana yimid Guriceel waxaan ay daba gal ay ku sameeyeen fashiliyeen dagaal xooggan oo ay maleeshiyaad beeleed la soo abaabulay ay rabeen in ay ku qabsadaan Degmada Ceelbuur.
Sarkaal u hadlay Xoogagga Al-shabaab ayaa u sheegay saxaafada in ay fashili yeen shirqool la soo abaabulay khasaaro xooggan ay u geysteen maleeshiyaad kii la soo abaabulay.
Ciidanka Al-shabaab ayaa ka furtay tikniko dhow ah oo aan ilaa hadda aan la aqoon qiyaastooda walow warar hordhaca ah oo soo gaaray warqabadka Shafbal.com ay sheegayaan in ilaa 4 gaari oo Tikniko ah ay la wareegeen xoogagga Al-shabaab.
Ciidankii Maleeshiyaadka ee ka yimid dhanka Guriceel ayaa waxaa la sheegayaa in ay sii baacsanayaan ciidanka Al-shabaab oo dhamaan kala wareegay fariisa mihii ay dagaalku ka dhaceen,maleeshiyaadka ka yimid Guriceel ayaa kala fir xaday ilaa haddana lama yaqaan meel ay ku sugan
Wixii war ah ee nagu soo kordha soo guji shafbal.com.....