Welcome to Shaafici Academy Website Baladxaawo..
Newskore

     

xabaalwadareed

Xuuraan: Xabaal wadareedyada yaa loo xisaabinayaa ?

Todobaadkani waxaa ifka yimid mid ka mid xaqiiqooyin dacarta ka qaraar ee ku saabsan heerka xasuuqa Soomaaliya laga geystey, waxaa la bilaabay soo qufista xabaalo wadareedyo lagu aasay dad madaxa laga jaray.


Maalintii sabtida, maamulka Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool ayaa soo quffey meydadka 13 qof oo lagu aasay xabaal wadareed warshadii hore ee Xaseey oo fariisiin xabashida u ahayd muddo ka baddan 2 sanno, meydadka lasoo qufey waxay xirnaayeen cumaamado iyo qamiisyo.


Shaki lagama qabo in ay dadkani yihiin macalimiinta dugsiyada Qur’aanka iyo imaamyo masaajid oo goobahooda laga kaxaystey ka hor inta aanan la leeynin.


Raq iyo Ruux


Su’aal kama taagta xasuuqa xabashida iyo kuwa kalkaalayay ay dalka ka geysteen, ee waxaa iminka la’isweeydiinayaa inta Xabaal wadareed ee dalka ka jirta waqti xaadirkani? Xoogaga muqaawamada oo ku sugan xarooyinkii ay faarujiyeen ciidamada xabashida ayaa waxa uu dareenkooda ujeedsaday baadigoobka xabaalo kale.


Arrintani waxa ay soo shaacbaxaysaa xilli raq iyo ruux la la’yahay boqolaal muwaadhiiniin Soomaaliyeed oo ku maqan gacmaha ciidamadii DKMG iyo xabashida, dadka sida weyn loo taxaabtay waxaa ka mid ah imaamyo masaajid, macaliimiinta dugsiyada, dhalinyarada muuqaalka diimeed leh, iyadoo dadka lagala baxayay masaajidada.


Xabaashan la heley waxay dhibic badweynta ku dhibicdey ka tahay gaboodfalka iyo xasuuqa ay xabashida iyo kuwa kalkaalayay Soomaaliya ka geysteen, waxaana la filayaa in la heli doono xabaalo kale oo dad si wadar ah loogu aasay.


Raadraaca DNA!


Meeydad kasta oo tiro baddan oo la helo, dadka dadkooda maqanyahay ee laga yaabo in ay ka midyihiin dadka la heley fursad uma heli doonaan in ay aqoonsadaan kuwa ka maqan, oo ay xabaashaan, taasi waxaa ugu wacan dalka kama jirro nidaam caafimaad ee casriga ah ee lagu ogaado meydadka iyo dadka ehelkooda ah, waxaa la isticmaalaa  maadada loo yaqaano DNA ee lagu ogaado hidaha dhiiga dhaxalka dadka dhalashada wadaaga.


Arrin kale oo caawin lahayn in dadka ehelkooda maqanyahay waxay ahaan lahayn in Soomaaliya uu ka jirri lahaa nidaam dowladeed oo ah diiwaangalinta dadka oo ay faro ka yaalaan, isla markaasina ay leeyihiin aqoonsiyo, taasina ma ahan arrin meesha taala, haddii ay jirri lahayd waxaa la samayn kari lahaa in  la’is raadiyo faro meydadka laga qaaday iyo faraha ku jira diiwaanka dowlada, ama astaamo laga soo sawirey meeydadka iyo kuwa ku keydsan isbitaalada dalka ee qofkaasi uu booqdey, sida qeybaha ilkaha oo kale.


Sidaasi darteed dadka ehelkoodu uu maqanyahay waligood xaalkoodu wuxuu ahaan doonaa in qofkaasi aanan raqdiisa iyo ruuxdiisa  waligeed la helin.


Cadcadbaa loo jaray


Dadkii Baydhabo laga heley jirkooda waxaa loo jarjaray cad cad, xubin kasta oo gaar u go’an ayaa xabaalaha laga heley, u malayn maayo in arrintani ay jirto wax lagu cabiro oo dareen ah, hal beeg kasta oo cadowtinimo ah oo la filan karay waa mid meesha ka baxaya marka arrintani oo kale laguu sheego.


Xaqiiqda ah in dadkani diintooda darteed loo dilley, iyadana waa arrin kale oo ay tahay in aadan su’aalba ka keenin waxa ay ahaayeen waxa meesha ka dhacay iyo ujeedka laga lahaa.


“Gudunyaheey hadduusan  gibilkeyga kugu jirrin imaadan gooyseen”


Cadaawada iyo taariikhda xun ee ka dhaxaysa Soomaalida iyo xabashida ma ahan mid u baahan dib u qoris, xittaa ka hor intii cilmiga wax qorsita uusan Soomaalida soo gaarin, taariikhdaasi waxay ahayd mid ku xardhan qeybta xasuusta ee qalbiyada jiil kasta oo Soomaaliya soo mara, waxaana la’isugu gudbin jirrey suugaanta, sidaasi darteed markasta waxay ahayd arrin laga filanayay xabashida in ay dad Soomaaliyeed xasuuqdo, kaliya waxaa maanka lagu heyn jirrey sida la’isaga difaacayo iyo baaxada qasaaraha ay geeysan karaan.


Markani dhamaan kafadihii ay Soomaalida ku miisaami jirtey qasaaraha xabashida u geysato waa kuwa karkaar dhaafay, isla markaasina qayaas beeley, shalaayda ugu weyn ee dadka heeysa ma ahan qasaaraha gaaray, ee waa kuwa iyaga ka midka ah ee qasaarahaasi wax ka geystey ee cadowga kalkaalay.


Oraah ayaa ahayd “gudunyaheey hadduusan gibilkeyga kugu jirrin imaadan gooyseey”, waa oraah laga sameeyey geedaha oo loola jeedo in gudunta geedaha lagu jarro haduusan ku jirrin daab geed ah in aysan suurogal ahaan lahayn in geedkaasi ay gudunta jarto si kasta oo ay u afbadantahay, oraahdani markani waxay ku haboontahay arrintani oo dadkii gibilkeena ahaa ay cadowga noosoo raaceen si ay u gaaraan danno cirib gaaban kadibna geystey waxa noqonaya xasuuqa aan noociisa oo kale waligeed nasoo marin.


Abaalmarinta eedeysanayaasha


Is ciilkaambiga raga wadaniyiinta ah ee arrintani ay boogta ku tahay, ma ahan mid ku aadan cadowga shisheeye ee waxani geeystey, ee waa kan sokeeye, kaaga sii darane wali baarlamaanka dhex fadhiya, qaarkoodna hogaamo kale loo dhiibey, xilal wasiir haba ugu sareeyaane.


Waxay la micno tahay in qaarkood lagu abaalmariyey gaboolfaladii ay geysteen, si la mid ah cadowga xabashida oo biladdo geesinimo siiyey ciidamada isla markaasina taalo oga dhisey Doolow, shaqsiyaadka qaarkood oo baarlamaanka dhexfadhiya, ciidamada dowlada mas’uuliyiin ka ah, xilal wasiiro haya ma ahan kuwa muuqaalkooda lagu farxo.


Wallow dowlada Sheekh Shariif ay ku doodi karto in dadkani ay ku qasbantahay in waqti xaadirkani dowlada laga qeybgaliyo, hase yeeshee cid uunbeey tahay in mustaqbalka loo ciqaabo foolxumada ay geysteen.


Hororka


Waxaad moodaa in dhibic dhiig ah aanan qof Soomaali ah laga daadinin, cadawgii goowraca uu nala dhigey wali dhiiga dhulka kasii qoyanyahay waakan wali boodka soo taagan oo hororka ah, Ethiopia ciidamadii ay shalay dalka kala baxday waxay dhoobanyihiin xuduuda, qaarkood dalka qeybo ka mid ah ayay ku jirraan, kaliya ma sii wadaan gumaadkooda, ee waxaa kale oo ay wali soo hubeynayaan kooxo gumaad kale ka geysta dalka gudihiisa, kaaga daran waxay taasi ogolaansho iyo naasnuujin oga heystaan kuwa dowlada noosoo dhisey ee UN-ka iyo kuwa sheeganaya in ay nabada Soomaaliya illaalinayaan ee AMISOM iyo AU.


Kuwii Soomaalida ahaa ee shalay cadowga ku kaalmeeyey gumaadka shacabka, wali waxay dhexfadhiyaan baarlamaanka, qaarkood ayaa doonaya mansabyo sarsare , qaarkooda kale wali waa ay jabhadaynayaan oo isla cadowgii ayay hoosta kaga jirraan iyagoo markale soo abaabulaya gumaad kale.


Marinhabaabin


Iyadoo astaan kasta oo xaqiiqo ah ee dhulka taala ay muujineyso gumaadka iyo gaboodfalka Soomaaliya laga geystey, haddane aduunka oo dhan ayaa si ula kac ugu midoobey in ay dadka ku mashquuliyaan mawaadiic kale oo aaban meesha oolin.


Qalab kasta oo warbaahin ah oo aad daalacato, xittaa kuwa tabarta daran ee Soomaalida,  waxaa laga hadlayaa Islaamiyiinta oo Soomaaliya kusii xoogeysanaya, argagixiso iyo burcad badeed, kaaga daran malaayiin iyo balaayiin lacag ah ayaa lagu bixinayaa in arrimahaasi lala dagaalamo, bal u fiirso awooda iyo maraakiibta lasoo dhigey xeebaha Soomaaliya, qarashka ku baxay dhowr markab oo 6 bilood xeebaha Soomaaliya jooga ayaa Xamar oo dhan lagu dhisi karaa laguna soo celin karaa dadkii la barokiciyey.


Iyadoo waxaasi oo marinhabaabin ah ay jirto, ayaa haddane nasiibdarada dhacday ay wali dad Soomaaliyeed ka dhaadhacday in dowladahani ay wax tarayaan Soomaaliya.


Marka si kale loo yiraahdo, aduunka oo dhan ayaa ku midoobey burburinta Soomaaliya, qorshe kasta iyo talaabo kasta oo la qaadaana ma ahan mid waxtar leh, illaa in wax lagu sii kala tuuro mooyaane, marka aan dufcad dhibaatooyin ah ka baxnaba kuwa kale ayaa naloogu badalayaa.


Laakiin ugu yaraan cashar aan aduunka u dhigney ayaa jira, waana “Soomaaliya lama jabin karro”, waxayse u muuqataa in uusan wali aduunka casharadeena ka qalin jabinin , fariinta sahlan ayaa ah in talaabo kasta oo la qaado ay tahay mid dhanka qaldan loo qaaday, qorshe kastana uu ku dambeeyo halaag iyo kala firdhad.


Xuuraan: waa qormo joogto ah oo aah ku falanqeeyno amuuraha Soomaaliya ee muhiimka ah


Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: Saxansoxo1@hotmail.com.



naasir

     
Allrights reserved@shafbal.com
--
designed by kulan