Welcome to Shaafici Academy Website Baladxaawo..
Newskore

     

Dagaallo xoog badan oo saaka dib uga biloowday deegaanka wabxo..

Dagaallo qaraar ayaa saaka mar kale dib uga qarxay deegaano katirsan Gobalka Galgaduud oo ay ku loolamayaan Xoogag Islaamiyiin ah iyo Maleeshiyo Taageera ka haysato reer Galbeedka.

Wararka nagasoo gaaraya Ceelbuur ayaa xaqiijinaya in saaka mar kale uu Dagaal ka bilaawday meel 20KM dhanka Guriceel kasoo jirto degmada Wabxo kaas oo u dhexeeya Al Shabaab iyo Maleeshiyada Ahlusunah Waljamaacah isku Magacaawday.

Dagaalkan ayaa yimid markii Xalay Xoogaga Ahlusunah looga adkaaday Dagaalkii Wabxa taasna ay dhalisay in saaka ay soo qaadaan Dagaal Rogaal celis ah.

xaalada ayaa weli kacsan waxaana Gobalka Galgaduud ka socdo Abaabulo Colaadeed oo ladoonayo in lagu xidida siibo Xoogaga Islaamiyinta ee diidan Siyaasadda Itoobiya.

naasir

     
Allrights reserved@shafbal.com
--
designed by kulan