بسم الله الرحمن الرحمن الرحيم Shir lagu guddoomiyey in lagu taageero guud ahaan waxbarashada G/gedo gaar ahaan Imaam Shaafici Academy school kuna yaalla magaalada B/Xaawo. Waxaa shir gaara oo lagu taageerayey guud ahaan waxbarashada gobolka Gedo gaar ahaan iskoolka Imaam shaafici Academy B/Xaawo uu ka dhacay magaalada Arhus ee Danmark Tar.02/06/2009. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay aqoonyahanno, culimmo iyo ikhiyaar kale.Waxaa warbixin looga dhagaystay halkaas maamulaha Imaam shaafici School baladxaawo Sh.Axmed Sandheere oo runtii ka soo jeediyey halkaas warbixin guud oo aad u qiima badan iyo mid gaar ahaaneed oo ku saabsan iskoolka xaaladdiisa. Warbixintaas kadib niqaash dheer iyo wadahadal waxaa la go,aamiyey in guddi loo dhiso arrimaha waxbarashada ee gobolka waana lagu guulaystay arrinkaas. Waxaa la dhisay guddi ka kooban 7 qof oo aktive u ah arrimaahaan kore. Guddoomiyaha guddiga waxbarashada Sh.Mahad Daahir Food ayaa isna halkaas hadal qiima badan ka soo jeediyey una badnaa guubaabo isagoo halkaas ka sheegay in ay arrintaan ay tahay arrin aan dib uga dhacnay loona baahnaa waqti hore in la ciilaajiyo lagana fakaro dhallaanka soo koraya.. Waxaa ka hadlay shirka Imaamka beesha Sade Imaam Cabdirashiid Guuraa oo halkaas ka soo jeediyey guubaabo qiira huwan isagoo carrabaabay in arrinkaan horay loo wado.. Waxaa kaloo ka hadlay Sh.Subayr Amir Ali isagoo isna carrabka ku adkeeyey in mawduucaani uu ka duwan yahay mawaadiicdii hore ee la isku khilaafi jiray badanaa, wuxuu sheegay sh.Subayr in mawduucaan waxabarashada ku saabsani uu yahay mid loo midaysanyahay wax ka qabashadiisa. Waxaa kaloo ka hadlay rag aad u farabadan oo ikhiyaara iyadoo warku u badnaa xoojin iyo ta,kiidid lagu raacayey fikraddii guddoomiyaha guddiga Sh.Mahad Daahiriyo Imaamka beesha Imaam C/Rashiid Guuraa. Waxaa kaloo shirka ka hadlay rag aad u fara badan shirkana ku kordhiyey culays iyo miisaan iyagoo dhammaantood ay wada ishaareen in arrinkaan lagu bixiyo Qaali iyo Raqiisba waqtina loo huro.
Haddaba Bahda Iskoolka Imaam Shaafici waxay dhammaan u mahad celinayaan walaalaha isku xilqaamay wax kaqabadka iyo taageeridda Iskoolka Imaam Shaafici Academy oo ku yaalla Baladxaawo. Guddiga maamulka iskoolka Shaafici Academy B/Xaawo. . Waxaan aad u soo dhawaynaynnaa dhammaan walaal kastoo arrinkaan isu xilqaama ilaahayna ajar haka siiyo qofkii u sacyiya wixii wanaag iyo rillaha alle uu ku jiro kan wax ku baxshana allaha u laban laabo. aaaamiiin, Fadlan Nagala soo xiriira Baladxaawo Tel-Sh:Maxamed---Tel-00254715581845 Ama Sh.Subayr Amir Ali.. Tel-004527174764 Email -kulan1dk@yahoo.com Wasalamu Calaykum Waraxmatullaah...
|