Welcome to Shaafici Academy Website Baladxaawo..
news

Ajandaha Shirka

Qurba joogta beesha Sade ee Danmark oo maantay oo taariikhdu tahay 02/05/2009 shirwayni uga biloowday magaalada Arhus Danmark..

Qurba joogta beesha Sade ee ku nool dalkaasi Danmark ayaa maantay oo taariikhdu tahay 02/05/2009 shir isugu timid magaaladaasi Arhus.

Shirka beeshu yeelatay ayaa lagu gorfeeyey midaynta iyo wax wada qabsiga beesha ee ku sugan guud ahaan qurbaha gaar ahaan Danmark.

Shirka beeshu ku yeelatay Arhus,Danmark ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo,nabaddoonno iyo aqoonyahan kaleba iyadoo lagu lafaguray qodobbo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayeen.

1.dibu hishiisiin guud iyo is cafis la dhexdhigo beesha gudo iyo dibadba.

2.Waxaa la iska magacaabay guddi guud oo matala jaaliyadda Danmark.

3.Waxaa kaloo guddigu magacaabeen raggii uga qayb gali lahaa shir ka dhici doona Ohai USA 28/05/2009

Ujeeddada guud ee shirarka beeshu ka waddo gudaha iyo dibaddaba ayaa waxay ku saabsanyihiin 2 qodob oo kala ah.

1.Sidii gobollada beeshu dagto nabad loogu soo dabaali lahaa loogana fogaan lahaa dagaallada micna darrada ah.

2.Iyo sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada gobollada beeshu dagto.

Warbixinta oo maqal ah ayaa waxaad ka dhagaysan kartaan halkaan hoose iyadoo Imaam Rashiid Guuraa imaamka beesha sade uu ka warbixin doono wixii ka soo baxay shirka.

imaamkaa
Imaamka guud ee beesha sade Imaam Rashiid Guuraa oo ka hadlaya shirka iyo wixii ka soo baxay guubaabana u jeedinaya beesha uu imaamka u yahay
dhagaysi wanaagsan.

 

Kasoo qayb galayaashii ayaa waxaa kamidahaa...

1.Imaam Rashiid Guuraa
2.Sh.Mahad Daahir Food
3.Eng. Cali jaamac (Cali dheere)
4.Dr.Cabdi Faarax Taano
5.Sh.Subayr Caamir Cali
6.Nabadon Cabdiwali Shidane
7.Axmed Ismail
8.Gaboobe Ali hiirad
9.Ugaas Maxamed Xasan Bulbul
10.Col.Xasan Hirre Guhaad Fulul

iyo rag farabadan oo Aqoonyahanno,Culummo,Cuqaal,iyo Dhallinyaraba lahaa.

Shirku wuxuu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

Guddiga Danmark

 


 
Designed by kulansoft