|
|
Dhulkaan ayaa waxaa laga dhisi doonaa Xarumo dhowr ah oo ay yeelan doono Maamulka Puntlland gaar ahaan waxaa laga dhisi doono 2 xarun oo ay yeelan doonaa Madaxtooyada Puntlland iyo Golaha Baarlamaanka. Dhulkaan ayaa waxaa uu ku yaalaa Galbeedka magaalada Garoowe waan dhul buuralay ah oo ka baxsan magaalada waxaan la doonayaa in Wasaarado badan looga dhiso xarumo si dowladu u hesho xarumo ay ka howl galaan. Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta qoyska ayaa waxaa ay leedahay xarun si wanaagsan u qalabaysan xaruntooduna waxaa ay ku taal meel ka durugsan magaalada Garoowe,Shirkada dhismaha ee Mubaarak ayaa waxaa ay iyadu noqotay shirkada ku guulaysatay in ay qandaraaska dhismaha iyagu bilaabaan Injineer C/qaadir X. Ciise oo ah madaxada shirkada dhismaha ee Mubaarak ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in ay si dhaqso leh ay u bilaabi doonaa dhismaha xarumaha Dowlada waxaan ay ugu horumarin doonaa xarunta baar lamaanka Puntlland iyo xarunta Madaxtooyada.
|
![]() |