Welcome to Shaafici Academy Website Baladxaawo..
Newskore
wararka
     

Mamulka Islaamiga Ee Gedo Oo Baaq Deg Deg U Jeediyay Hayaddaha Samafalka

Maamulka islaamiga ee gobolka G/Gedo ayaa hayadaha samafalka ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah  gaarsiiyaan dad ay saameeyeen abaaro ku dhuftay gobolka.

Sheekh Bare Maxamed Faarax Barre Qooje oo ka mid ah masuuliyiinta xoogaga islaamiga ah ee gacanta ku haya gobolada Gedo oo u waramayay warfidiyenada  ayaa sheegay in safaro  ay ku soo mareen goobo iyo tuulooyin ay abaaraha ka jiraan ay ku soo arkeen xaalad adag oo haysata dadka iyo duunyada gaar ahaan dhinaca biyaha iyo baadka.

Shiikha ayaa waxaa uu intaasi ku daray in tuulooyin badan ay dadkii deganaa isaga huleeleen haraad dartiis , dadka ku harayna ay iminka la liitaan nafaqo daro  ,waxaana uu hayadaaha samafalka uu ugu baaqay  in ay gargaar deg deg ah la soo  gaaraan dadkaasi.

Dhanka kale sheikh bare oo aan  wax ka   weydiinay kulan ay hayadaha samafalka caalimiga ah iyo kuwa maxaliga ah ay kula qaateen magaalada Garbahaaray ee xarunta G/Gedo  ayaa waxaa uu ka warbixiyay qodobadii ay kaga hadleen mudadii uu kulankaasi soconayay.

“ waxan uga hadalnay sidii kaalmo loo siin lahaa dad liita ee ay abaartu ku dhufatay iyo damaanad qaadida amniga shaqaalahooda”.

Kulankan  ay wada qaateen hayada samafalka iyo masuuliyiinta maamulka islaamiga ee gobolada gedo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili kumanaan  dadka ah oo ku dhaqan gobolkani ay halakaysay abaar baan islamarkaana barakacisay kuwa kale.

Maxamed Gaarane Aadan

 

dugsi
     
Allrights reserved@shafbal.com
--
designed by kulan