Ka: Maamulaha Iskuulka Ramadan ee degmada Ceelwaaq Ku: Dhamaan Jaaliyada dibadda ee ka soo jeeda Deegaanka Ceelwaaq
Ceelwaaq, Somalia (AOL) - Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan iskoolka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Iskuulka waxaa la aas-aasay bishii janaury 2007, waana iskuulka kaliya ee ka howl gala degmada Ceelwaaq, waxaana aasasay dhalinyaro aqoonyahano ah oo ka soo jeedaa deegaanka Ceelwaaaq, kuwaasoo aad ugu kuur gtalay baahida wax barsho ee ka jirta deegaanka iyadoo ay deegaankan ku nool yihiin dad aad u fara badan oo ubadkooduna ay haysato dhibaato wax barasho la’aan ah. Xaalada iskuulku meel fiican bay hadda maraysaa runtii, maalinba maalinta ka dambaysana horu mar buu gaadhayaa.
Dadka deegaanka meel kale wax caawimo ah kama helaan, laakiin waxaa jira gudi waxbarasho oo ka kooban 6 xubnood oo isugu jira macalimiin, walidiin, ganacsato iyo culimo, kuwaasi oo mar kasta ka war haya sida ay waxbarashadu u socoto wacyi galina siiya waalidiinta sidii ay caruurtooda u keeni la hayaayeen dugsiga. Ma jirto meel kale oo aan ka helo buugaagta ardayda aanu wax uga dhigno iyo tababaro wakhtiyada fasaxa marka laga reebo urur wadani ah oo ka dhisan Degmada B/dheere kaasoo la yiraahdo HIRDO oo hal mar naga soo gaartay Buugaagta Manhajka UNICEF ee qoraalka (Text Books) iyo Jeestooyin.
Marka hore waxa aan halkaan salaan qiimo badan usoo jeedinayaa iyo codsiba dhamaan Jaaliyada dibada jirta ee ka soo jeedaa deeganka Ceelwaaq iyo shaqsiyadka kale ee daneenaya horumarka wax barasho ee hada ka bilaabatay deegaanka Ceelwaaq in ay isku howlaan sidii ay horumar xaga waxbarashada ah ay u gaarsiin lahaayeen deegaanka Ceelwaaq una dhiiiri galin lahaayeen dhalinyarada u istaagtay in ay jahliga ka saaraan dhalinta deegaanka Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda.
1- Dhinaca mushaaraadka Macalimiinta iskuulka
Cidii rabta in ay Iskuulkaan gacan ka geysata ama hesho faah-faahin intaan ka badan waxay la xariiri kartaa mas'uuliyiinta Iskuulka oo ah kuwa hoos ku qoran:-
Sheekh Xuseen Qoordheere Culuma udinka Deganka (Ceelwaaq/Somalia) Abdi Haji Gudomiyaha Gudiga Iskuulka (Ceelwaaq/Somalia) |
||||