Welcome to Shaafici Academy Website Baladxaawo..
Newskore

     

carale

Ceelbuur:-Dagaal ayaa waxaa uu maalintii 2aad ka socdaa Degaanka Wabxo oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Gal guduud dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhex eeya Xoogagga Al-shabaab iyo Maleeshiyaad beeleed ay la socdaan qaar ka tirsan Dariiqada Suufiyada.

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha iyo daafaha Deegaanka Wabxo waxaan weli gacanta si buuxa ugu haya degaanka Waxbo xoogagga Al-shabaab ,halka Maleeshiyaad ay horkacayaan qaar ka tirsan dariiqada Suufiya dana loo riixay dhinaca Waqooyi Bari ee Degmada Wabxo, malshiyaadka ayaa waxaa ay iskugu tageen Deegaanka lagu magacaabo “Goonle-goonle” ee Gobolka Gal-gaduud.

Dagaalka saaka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan waxaan dhimashadu ay maraysaa ilaa 20 qof halka dhaawacu uu cagacagaynayo ilaa 40 qof oo iskugu jira xoogaggii dagaalku u dhexeeyo


Dagaalka ayaa waxaa uu ku fiday qaybo ka ytirsan Degaanka Waxbo waxaan ilaa hadda la aqoon cid dagaalka saaka bilowdayDagaalkan ayaa waxaa uu qarxay saacadihii ugu dambeeyey; wuxuuna ku sii fiday sida wararka nagu soo gaarayo goobta uu ka qarxay ee deegaanka Wabxo oo ka tirsan degmada Ceelbuur.


Wariyaasha ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa soo tabinaya in xaalada dagaal ku ay adag tahay in war ka hellaan maadaam goobaha ay dagaalku ka socdaan ay tahay meel aan wariyaashu gaari karin xiriir is gaarsiintuna ay tahay mid aad u xun.


Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Muuse Cabdi Caraale ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalka ka soconaya gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya degaan Waxbo ay ciidankooda ay qayb ka yihiin waxaan uu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen maleeshiyaad ay horkacayaan qaar ka tirsan Dariiqada Suufiyada


Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Muuse Cabdi Caraale ayaa si cad u sheegay in xoogagga Islaamiyiinta ay ku wada jiraan dagaalka waxaan uu yiri " Mujaahi diintu waa isku mid waa isku hadaf, waxna ma kala aha, waxaana la wada dagaalameynaa kooxda Suufiyada ee gacanta ka hesha cadowga Ilaahay ee Itoobiya waana ku jabinay dagaalkii shalay iyo kan maanta ka dhacay deegaan ka Wabxo"

Ciidanka Xizbul-Islaam ayaa dagaalka ku soo biiray waxaan uu dagaalku uu isku rogay in xoogagga Islaamiyiinta ay gurmada kale duwan ka direen Gobollada ay gacanta ku hayaan,Saraakiisha Xoogagga Al-shabaab iyo Xizbul islaami ayaa wada dadaal ay ku doonayaan in ay ku xoojiyaan dagaalka socda waxaan ay dirayaan gurmada iskugu jra gaadiidka dagaalka iyo ciidamo,halka dhinaca ka soo horjeedana ay sidaas oo kale ay wadaan,ilaa hadda ma jirto wax waan waan ah oo socda oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalada u dhexeeya dad Soomaaliyeed ee Muslinka ah.

Ciidanka Midowga Maxaakiimadaha Islaamiga ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ciidamo xooggan ka diray Gobolka Hiiraan waxaan ay ciidamadooda dhigeen degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan.



naasir

     
Allrights reserved@shafbal.com
--
designed by kulan