Muqdisho:-Ciidanka MMI ee garabka Sh C/qaadir Cali Cumar ayaa la wareegay amaanka degmada Kaaraan waxaa ayna dageen Saldhigga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada MMI ayaa xalay gaaray Degmada Kaaraan waxaana si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan degmada Kaaraan.
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee gaaray degmada Kaaraan ayaa waxay ku hubeysan yihiin Gaadiidka Dagaalka waxaana lagu wadaa in ciidamka MMI uu la wareegi doono degmooyin kale .
Maamulka Degmada Kaaraan iyo dadweyne farabadan ayaa saaka si weyn u soo dhaweeyay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee gaaray degmada habeenkii xalay waxaana dadweynaha la hadlay sarkaal ka tirsan MMI .
Saldhiga Degmada Kaaraan ayaa waxaa horey ugu sugnaa ciidammo ka tirsan DFKM kuwaas oo dadweynaha ka qaadi jiray lacago baad ah una geysan jiray dadweynaha dhac iyo boob.
C/Casiis Maxamed