Welcome to Shaafici Academy Website Baladxaawo..
Newskore
wararka
     

Burundi inta aadan Qiil u Raadin!! (Warbixin Video Caddeyn ah Wadata) W/Q Maxamed Xusseen Caddow

Ugaandha
Muqdisho,21,Jan,2009,Arboco,(Hillaac.net)
Ilaa intii ay ka baxeen Ciidanmadii Itoobiya Magaalada Muqdisho waxaa iska soo daba dhacayey baaqyo iyo Muxadarooyin ka imanayey Siyaasiyiin, Odaydhaqmeedyo, Iyo Culimo'udiin, Kuwaasoo sheegayey in aan lala dagaallamin Ciidamada ka kala yimid Yugaandha iyo Burundi, Iyagoo Qiil uga dhigayey in Waddamadan aysan ahayn dalal ay naga dhaxeeyso colaad soo jireen ah iyo xudduud sidaas darteedna aysan la mid ahayn Itoobiya mar hadeey Itoobiya baxdayna aan loo baahneyn dagaal danbe oo Magaalada Muqdisho ka sii socda.


Aniga ka shaqsi ahaan ma su’aalayo shaqsiyaadka ka muuqda baaqyadaan daacadnimadooda iyo damqashada ay u hayaan shacabkaan daggan muqdisho, laakiin waxaan su’aalayaa qiilka loo yeelay in aan la weerarin Ciidamada Yugaadha iyo Burundi.


CADDEYMO

Bal aan fiirino marka hore ujeeddada dhabta ah ee Ciidamada Ugandha loo keenay Dalka Soomaaliya Annagoo soo qaadaneyna Barnaamij Telefeshinka Caanka ee Dalka Mareykna laga leyahay CBS News uu ka soo duubay Xero lagu tababarayey Ciidankii Ugandha ee loo soo diray Dalka Soomaaliya.


"Waxa Ciidanka Ugandha loo Tababarayaa in ay la Dagaallamaan Dadka Xambaarsan Mabda'a Islaamka ee ku sugan Dalka Soomaaliya si looga maarmo in Ciidamada Mareykanka ay u tagaan Dalka Soomaaliya ugana soo Dagaallamaan" Sidaa waxa yiri Allen Pizzy Wariyaha Idaacadda CBC News oo Daawanayey Tababarkii ay Ciidamada Mareykanku siinayeen Ciidamada Ugandha.


DAAWO VIDEOGAN CADDEYNAYA XAQIIQDA LOO KEENAY CIIDAMADA UGANDHA Q/1AAD (N.B XAYEYSIIS BAA KA HORREEYA WARKA EE OGOW)

"Haddii aan Ciidamadan Ugandha Barno Habka loola dagaaallamo Xagjirka iyo Argagixisada, Markaa Muhiim ma'ahan in America ay ka welwesho Mustaqbalka in Gobolkan ay ka furanto furun dagaal oo la mid ah tan Afganistan iyo Iraq " Sidaasi waxa yiri U.S. Army trainer Sgt. Daniel LeGeer. oo Tababar siinayey Ciidamadii Ugandha ee loo soo diyaarinayey in ay ka howlgalaan Dalka Soomaaliya.".

"Si uu u guuleysto Qorshaha Milateri ee uu Mareykanku ka leeyahay Africa General Ward oo ah Jeneraalka ugu sareeya Ciidamada Mareykanka ee madaxda ka ah Africom wuxuu Waqtigiisa intiisa badan ku bixiyaa sidii uu Madaxda Africa uga dhaadhicin lahaa Sida ugu fudud ee loola dagaallami karo Kooxaha Xagjirka ah ee isku aruursanaya Dalka Soomaaliya" Sidaasna waxaa yiri Wariye ka tirsan Idaacadd CBC oo lagu magacaabo Allen Pizzy oo booqday Xeradii lagu tababarayey Ciidamada Ugandha ee loo diyaarinayey in loo soo diro Dalka Soomaaliya. News correspondent Allen Pizzey.


DAAWO VIDEOGAN CADDEYNAYA XAQIIQDA LOO KEENAY CIIDAMADA UGANDHA Q/2AAD (N.B XAYEYSIIS BAA KA HORREEYA WARKA EE OGOW)

Haddaba iyadoo Arrimahan oo dhan ay inoo Caddeynayaan Qorshaha dhabta ah ee ka dambeeya Joogitaanka Ciidamada Ugandha ay jogaan Dalka Soomaaliya iyo Cidda soo adeegsatay Ayaa waxaa gebi'ahaanba meesha ka baxaya qiilka ay dadka qaarkii ugu sameynayaan Ciidamada UGandha iyo Burundi in aysan la mid ahayn kuwii Itoobiya.
Dowladda Mareykanku waxa ay Cod dheer ku sheegtay in Ciidamada Ugandha ee Dalka Soomaaliya jooga Ujeeddooyinka loo soo tababaray loona keenay Dalka Soomaaliya ay tahay in ay la Dagaallamaan Kooxaha Aaminsan Diinta Islaamka ee ka Dagaallama Dalka Soomaaliya, Si Mareykanku uusan ugu baahan in uu Ciidamadiisa u diro Dalka Soomaaliya, Waxana Ciidamada Ugandha ee Dalka Soomaaliya jooga ay qabanayaan Howl la mid ah Tii Ciidamada Itoobiya ay ka hayeen Dalka Soomaaliya, Soow markaa wax lala yaabo noqon meyso in Ciidamada Ugandha lagu sheego kuwo ka duwan kuwii Itoobiya?.

Ugu dambeyntii waxan soo jeedinayaa in Kooxaha u Qiil raadinaya Ciidamada Ugandha iyo Burundi ay marka hore si Qoto dheer u soo baaraan Qorshaha Ciidamadan ay Afka ku Difaacayaan loo keenay, oo Dabcan sida ku Cad Caddeymahan Muuqaalka wata ee aan soo Gudbiyay Cidda keentay ay inoo Caddeyneyso.
tababar

Qore:- Siyaasiga Maxamed Xuseen Cadow Qaamuus@yahoo.co.uk

 

dugsi
     
Allrights reserved@shafbal.com
--
designed by kulan