Waxaan xasuustay hadal uu yidhi Rafiiq Xariiri oo ahaa R/Wasaarihii Lubnaan ee hore. Hadalkan wuxuu ku canbaaraynayay Yaasir Carafaat oo uu ku tilmaamayay nin aan mawqif lahayn wuxuu yidhi “Haddii Yaasir Carafaat waraaq cad loo dhiibo wuu sixiixi”. Waxaa sidaas u eg xubnaha ku jira xukuumada Shariifka ee Jabuuti laga soo gammay. Waxay jirtaa 70 maalmood kaliya waxayna Shariifka iyo wasiiradiisu sixiixeen qodobo ayana ka soo waaqsanaynin xataa jiilka soo socda ee Soomaalida ah ee dhalan doona. Waxaa intaas ka daran oo ay dheer yihiin kooxdii C/Laagi Yuusuf beenta iyo wax is daba marinta. Ugu yaraan C/Laahi Yuusuf warkiisu wuu cadaa oo wuxuu xataa mar meel fagaare ah ka yidhi “HAddaan wadanka Soomaaliya qabsado qofna shaqo uguma soo daahayo salaadbaan soo tukunayay”. Khaa\\\'inul Wadaniyiin Kooxda Shariifka oo dhan Qoladan Shariifku wuu Beenaalayaal, waana intay waraaq Kenya, Maraykan, Ethiopia iyo AMISOM wataan ka arkayaan! Sixiix bay ku taagi. Gaar ahaan ninka ugu been badan kooxdan waa C/Raxmaan C/Shakuur oo nin aad u yaqaanaa ku sifeeyay nin kaliya run sheega markuu magaciisa sheego. Beentii Waynayd ee 1aad 1) Shariifku ayaa ku sixiixay Addis Ababa heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee dhigayay in ciidamo la keeno badda Soomaaliya iyo Barriga Soomaaliya oo la dagaalama waxyaabaha loo yaqaano Budhcad Badeeda iyo Xagjirka, inaan shareeco wadanka lagu xukumin maadaama oo ay tahay “Xaasaasi” in la iska kaashado in la soo qab-qabto dadka Liiska “Argagixisada”, inaan Ethiopia loo qabsanin wax magdhaw ah maadaama oo ay is difaacaysay. Heshiiskan inuu sixiixay Shariifku waxaa u cadeeyay Idaacada Ingiriisku leeyahay ee BBC da safiirka DFKM u fadhiya Addis Ababa oo la yidhaahdo Siciid Yuusuf Nuur. Hadalkiisa oo waxaa beeniyay C/Raxmaan C/Shakuur oo yidhi Shariifka anaa u turjubaanayay waxaan sixiixnayna ma jiro. Beentii Waynayd ee 2aad 2) Markii uu Shariifku socodka ku maray wadamada Afrikaanka ee uu soo waydiistay ciidamo hor leh oo la keeno wadanka ee ay warbaahinta danaysa Soomaaliya oo dhan ay qortay gaashaanka ayuu ku dhuftay oo wuxuu yidhi waa Been. Muda gaaban ka dib waxaa Qaramada Midoobay si rasmi ah uga codsaday ciidamo cusub sheegayna in Shariifku uu Afrikaanka warsaday arintaas Maxamed C/laahi Oomaar. Beentii Waynayd ee 3aad 3) Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan ee ah halka la isku haysto ee ee Muqaawamada iyo DFKM u dhaxaysa waxay ku jirtay inay joogaan dalka waligoodba heshiiskii Jabuuti oo uu C/Raxmaan C/Shakuur ahaa madaxa wada xaajoodka ee kooxdii Shariifka ee Muqaawamada ka soo goosatay. Isaga oo sidaas u ogsoon inayna Uganda iyo Burundi meel u soconin ayuu wuxuu saxaafada u sheegayaa ciidankaas wuu bixi doonaa? Haddaba haddii arinku sidaas yahay wuxuu mar kale C/Raxmaan C/Shakuur inkirsan yahay inuu biyihii, baddii, jaziiradihii iyo khayraadkii Soomaaliya u sixiixay Kenya oo ah cadow soo jireen ah oo qaranka Soomaaliya leeyahay. Isaga kaliya ma aha ee dhammaan kooxdan baxsadka ah ee Maxaakimta ka goosatay iyo cilmaaniyiinta la socota iyo dagaal oogayaashu waxay quutaan been. Nin midka kale u dhiibtana ma ay laha. Haddii laba dawladood heshiis kala sixiixanayaan wuxuu dal waliba xaq u leeyahay inuu ka baaraandago heshiiska uu sixiixayo. Wuxuu dal waliba xaq u leeyahay inuu khuburo ka fiirisa luuqada, qodobada iyo sharciyada waxa lagu heshiinayo u qabsado heshiiska. Xataa hadii dalkaas laga waayo dad waxaa macrifo u leh waxay wadamadu kiraystaan khuburo shisheeye oo ka ilaalisa ilduufka. C/Raxmaan C/Shakuur oo sixiixay document ay leedahay Kenya Sida xataa caruurta yar-yari garanayso haddii wadan u heshiis sixiixayo waa in calaamadiisii iyo astaankii qarankaasi ka muuqato heshiiska. Hadaad u fiirsato waraaqaha uu sixiixay C/Raxmaan C/Shakuur waxaa iska leh dawlada Kenya oo astaantii Soomaaliya maba taalo meesha. Waxayna ogayn kooxdan Shariifku in heshiiskii OSLO ee Falastiiniyiinya iyo Yuhuuda waxyaabihii u la hirgali waayay ay ka mid ahayd in Yuhuudu ay luuqo ahaan u khiyaantay Carafaat. Iyada oo ay heshiiska ku xusnayd in Dhul lagu badasho nabad. Carafaat waxay la ahayd in la siin doono inta Qudus bariga ka ah laakiin Yuhuudu way ku qalloocisay oo waxay tidhi Dhul ayaan ku heshiinay in la idin siiyo mana cadayn dhulkaasi marka waxaad qaadataan Marinka Gaza, iyo Daanta Galbeed ee Ramallah oo u dhiganta 2% dhulka Falastiin ka maqan. Lama odhan karo kooxdan way indha iyo dhaga la\\\'yihiin ee waxani qiimo uguma fadhiyo. War Lugeed ma qabo in nimankani ayna waxba kala garanaynin ee wuxuu aaminsan yahay inay yihiin Khaa\\\'imiin loo soo dhoob-dhoobay inay wadankan is raaciyaan inta ka hadhay. Waxaa intaas dheer wuu aflagaadeeyay Soomaalida oo dhan isaga oo yidhi dadku waxa laga hadlayo ma fahmayaan! Su’aalaha uusan ka jawaabin ninkani waxaa weeye maxaa ku kalifay inuu Soomaaliya horaanbaaba loo boobay dhulkeediiye inuu qayb kale kusii daro inuu bixiyo! Jawaabtu waxaan u daynaynaa akhristayaasha. Barnaamijkii War Lugeedna halkaas haynoo joogo maanta FG: Taxliilkaan Shafbal masuul kama ahan waxay u gaartahay KismaayoNews.com KismaayoNews.com
|
|||||